Wiil 5 jir ah iyo aabihii oo ay hey'adda ICE qabtay oo dib ugu soo laabtay Minnesota iyo sababta

Xigashada Sawirka, X / Congresswoman Ilan Omar
Wiil shan jir ah iyo aabbihii oo ay hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka ICE ka xireen gobolka Minnesota ayaa ku soo laabtay gurigooda, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan Kongareeska.
Xildhibaan Joaquin Castro oo laga soo doorto Texas, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa Axaddii sheegay in Liam Conejo Ramos iyo aabbihii Adrian Alexander Conejo Arias laga sii daayay xarunta xabsiga Dilley ee Texas, kadibna ay dib ugu safreen magaalada Minneapolis.
Castro wuxuu yiri: "Liam hadda gurigiisii ayuu ku soo laabtay. Wuxuu wataa koofiyaddiisa iyo boorsadiisa dhabarka."
Xiritaanka labadan qof ayaa dhaliyay bannaanbaxyo ka dhacay afaafka hore ee xarunta lagu hayay, waxaana arrintu keentay caro ballaaran oo qaran. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay: "ICE ma aysan bartilmaameedsan mana aysan xirin ilmo."
Sii daynta ilmahaan yara ayaa timid kaddib markii Garsoore Maxkamadda Degmada Maraykanka Fred Biery uu oggolaaday codsi degdeg ah oo uu gudbiyay qareenka qoyska, isla markaana uu amar ku bixiyay sii-deyntooda Sabtidii.
Garsooruhu wuxuu cambaareeyay xarigooda, isagoo ku tilmaamay mid ka dhashay "rabitaan khiyaano ah oo lagu doonayo awood aan xad lahayn."
"Kiiskan asalkiisu wuxuu ka bilowdaa dadaal dowladeed oo si liidata loo qorsheeyay loona fuliyay, kaas oo lagu raadinayo buuxinta tirakoobyo masaafurin maalinle ah, ayuu Biery.
Biery, oo ahaa qof uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ayaa sheegay in masaafurinta loo maro nidaamka socdaalka ee Maraykanka ay tahay in lagu fuliyo siyaasad ka nidaamsan kana naxariis badan tan hadda jirta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii aabbaha iyo wiilkiisu ay ku jireen xarunta lagu hayay ee Texas, Castro wuxuu ku qoray baraha bulshada in wiilka yar aanu dareemeyn deganaan maadaama uu ka maqnaa qoyskiisa, ardaydii ay isku fasalka ahaayen iyo gurigiisii.
Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in labadan qof ay si sharci-darro ah ku soo galeen Maraykanka, halka qareenka qoyska uu sheegay in ay raaceen habraacyadii saxda ahaa ee codsiga magangelyada.
Axaddii, DHS ayaa bayaan ay siisay warbaahinta bah-wadaagta la ah BBC ee Maraykanka, CBS News, ku tiri: "Maamulka Trump waxaa ka go'an dib u soo celinta ku dhaqanka sharciga iyo caqliga guud ee nidaamkeenna socdaalka, wuxuuna sii wadi doonaa dadaalka lagu xirayo, lagu haynayo, laguna masaafurinayo ajaanibta aan xaq u lahayn inay ku sugnaadaan waddankan."
Xildhibaanadda Minnesota Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga isla markaana si cad u dhaleeceysa ICE, ayaa sidoo kale baraha bulshada ku qortay ku-laabashada aabbaha iyo wiilkiisa ee Minnesota.
"Liam hadda wuu jooga guriga, waana uga mahadcelinaynaa Joaquin Castro, safarkiisii Minneapolis ee uu la yimid isaga iyo aabbihii," ayay tiri Ilhaan. "Ku soo dhowow guriga, Liam ." ayay raacisay.
Waxa. jiray warar is-khilaafsan oo ku saabsan wixii dhacay intii lagu jiray hawlgalkii ICE ee markii ugu horreysay Ramos ay la kulmeen wakiillada ICE.
Mas'uuliyiinta dugsiga uu Ramos dhigto ayaa sheegay in wiilku uu markaa ka yimid dugsiga xannaanada markii wakiil ICE ah uu ka codsaday cunugga inuu garaaco albaabka guriga si uu u hubiyo in qof kale uu joogo gudaha.
Sarkaal ka tirsan Iskuulka ayaa sheegay in qof weyn oo kale oo ku noolaa guriga uu codsaday in wiilka yar gudaha loo kaxeeyo, balse waa laga diiday.
Xubin ka tirsan guddiga Iskuulka oo lagu magacaabo Mary Granlund, ayaa sheegtay inay goobta joogtay isla markaana ay saraakiisha socdaalka u sheegtay inay qaadi karto Ramos, hase yeeshee waxey ku adkeysteen in ay xiraan.
Qoraal lagu daabacay X, ICE waxay beenisay in ilmaha la xiray.
"Qof dambiile ah oo sharci-darro ku jooga dalka ayaa KA TAGAY ilmihiisa isaga oo ka cararaya saraakiisha ICE, saraakiisheennuna waxay hubiyeen in ilmaha laga badbaadiyo qabowga daran," ayay hay'addu tiri.
"ICE waxay sameysay isku dayo badan si ay qoyska ugu qanciso inay ilmaha gudaha guriga u kaxeeyaan oo ay masuuliyaddiisa la wareegaan. Way diideen inay qaataan masuuliyadda ilmaha. Aabbuhu wuxuu u sheegay saraakiisha inuu doonayo in ilmuhu la sii joogo isaga," ayay hay'addu tiri.
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa wariyeyaasha u sheegay in ICE aysan lahayn ikhtiyaar kale maadaama "aabbuhu cararay".
Marc Prokosch, oo ah qareen matalaya qoyska, ayaa sheegay in aabbaha iyo wiilkiisu ay "wax walba si sax ah u sameeyeen" markii ay dalka ka soo galeen Ecuador sannadkii 2024.
Waxay Mareykanka ku soo galeen hannaan rasmi ah si ay magangelyo u dalbadaan; waxay adeegsadeen barnaamijka CBP One; waxay ballan qabsadeen; waxay isu soo bandhigeen Waaxda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha; waxayna dhammaan xogtooda la wadaageen dowladda, ayuu yiri Prokosch.
"Qoyskani sinaba ugama dhuuman ICE. Waxay raacayeen dhammaan nidaamyadii la dejiyay ee ku aaddanaa dalabka magangelyo, waxayna ka soo qayb geli jireen dhageysiyadooda maxkamadeed. Ma ahayn kuwo khatar amni ah, mana ahayn kuwo baxsad khatar ah, weligoodna lama rabin in la xiro," ayuu ku daray Prokosch.













